(Translated by https://www.hiragana.jp/)
Adeec Soomaalinimo - Wikipedia Jump to content

Adeec Soomaalinimo

Ka Wikipedia
Dib u eegistii 19:25, 5 Luuliyo ama Luulyo 2021 ee Hgutjutre (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|[[Abdi Bile, waa ciyaaryahan oo ku tartami jirey Soomaalinimo]] thumb|Calanka Qaranka [[Soomaaliya]] '''Soomaalinimo, Qawmiyadda Soomaaliyeed, Soomaali Weyn''' ({{lang-en|Somalism, Somali nationalism, Greater Somalia}}) Fahankeeda casriga ahi waa rumaysnaanta in dadka Soomaaliyeed ay yihiin shacab qudha oo wadaaga af, dhaqan, sooyaal, deegaan iyo dano mid ah. Waxay rumaysan yihiin qawmiyiinta Soomaalidu inay...)
(duwanaan) ←Bedelyada ka duqsan | Bedelkii ugu danbeeyay (duwanaan) | Bedelyada ka cusub→ (duwanaan)
Abdi Bile, waa ciyaaryahan oo ku tartami jirey Soomaalinimo
Calanka Qaranka Soomaaliya

Soomaalinimo, Qawmiyadda Soomaaliyeed, Soomaali Weyn (Af Ingiriis : Somalism, Somali nationalism, Greater Somalia) Fahankeeda casriga ahi waa rumaysnaanta in dadka Soomaaliyeed ay yihiin shacab qudha oo wadaaga af, dhaqan, sooyaal, deegaan iyo dano mid ah. Waxay rumaysan yihiin qawmiyiinta Soomaalidu inay dhalan doonto dawlad qudha oo ay ku midaysan yihiin Shanta Soomaaliyeed, oo fidsan Gacanka Tojorra ilaa Webiga Taana. Sida ay sheegeen taariikhyahano ku xeel dheer dadka Soomaalida waxaa fikrada Soomaalinimadu bilaabantey horaantii qarnigii 20aad wakhtigii dhaqdhaqaaqa Xoriyad Doonka Gayiga Soomaaliyeed.[1] Balse rumaysnaanta Soomaalida ee ah inay yihiin ummad qudhi waa mid guun ah, lamana garan karo xilliga u bilaabmay.

Qawmiyiinta Soomaalida ee markii hore rumaysnaa in Shanta Soomaaliyeed meel la isugu keeno, markii ay taasi adkaatay, waxay uga wareegeen dhan kale. Jamhuuraddii Soomaalida in dib loo yagleelo, kadibna gobolada maqan lagu taageero sidii ay dalalka ay ka tirsan yihiin cad weyn uga goosan lahaayeen.

  1. Mohamed Diriye Abdullahi. Culture and Customs of Somalia. Westport, Connecticut, Greenwood Publishing Group, Inc, 2001. p. 24.