(Translated by https://www.hiragana.jp/)
Cabdiraxmaan Tuur - Wikipedia Jump to content

Cabdiraxmaan Tuur

Ka Wikipedia
Abdirahman Ahmed Ali Tuur
Madaxwaynaha Somaliland ee 1aad
Ambassador to Welcome
Madaxweyne kuxigeenXasan Ciise Jamaac
ka horeeyayXafiis la dhisay
Ku xigayMaxamed Xaji Ibraahim Cigaal
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee 2aad [1]
Ambassador to Welcome
Xafiiska
May 1993 - May 1995
MadaxweyneMaxamed Xaji Ibraahim Cigaal
ka horeeyayXasan Cisse Jamaac
Ku xigayAbdirahmaan Aw Cali Faarax
Gudoomiyaha SNM [2]
Ambassador to Welcome
Xafiiska
April 1990 - May 1991
ka horeeyayAxmed Siilaanyo
Ku xigayXafiiskii waa la tirtiray
Faahfaahin shaqsiyadeed
Dhashay(1931-04-04)Abriil 4, 1931
Burco, Dhulka Biritishka ee Soomaaliya (imika Somaliland)
DhintayNofeembar 8, 2003(2003-11-08) (da'da 72jir)
London, Ingriiska[3]
XisbigaSNM
XaaskaKinsi Ibraahim Cismaan Basbaas[4]
Alma materJaamacadda Exeter


Madaxwaynahii uu horreeyey ee Somaliland kuna dhawaaqay gooni isu-taagga Jamhuuriyada Somaliland. Wuxu ahaa Siyaasi wayn, wuxu ka soo shaqeeyey dawladdhihii hore ee Soomaaliya, Wuxu soo qabtay xilal badan, Wuxu uu soo halgamey dib uu soo-celintii Somaliland. Wuxu walaal la ahaa Aabihii Waxbarashada Soomaaliya (Maxamuud Axmed Cali oo lo yaqaaney Father of Education Of Somalia).

Dib kala soco Taariikhda Marxuumka, Madaxwaynahi sharaftalahaa C/raxmaan Tuur (Ahun)

C/Raxmaan (Tuur) Alle haw naraxariistee waxa uu ahaa nin fiican oo aan dada qadaf iyo gef toonna u geysan. Wuxu ahaa nin dhawrsan oo dadka dhegeysta oo inta erey ee uu yidhaa la tirin karay. C/Raxmaan waxa uu qabtay xilka Madaxweyne-ku-xigeenkii Dawladda Salbalaar ee uu madaxweynaha ka ahaaa Maxamed Faarax Caydiid (Ahun). C/Raxmaan tuur wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland. M.Wayne Tuur ololihii doorashada Daahir Riyaale ayuu kala qeyb galay si uu uga saaro meesha in ay qabiil uun ku koobnaato xilka madaxweynanimada Somaliland. C/Raxmaan (Tuur) wuxuu ahaa maskaxdii ka takhalustay dawladdii kali-taliska ahayd ee Moxamed Siyaad Barre, Wax uu ahaa nin maskax badan, isla markaana geesi ah Alle ha u naxariisto. Cabdiraxmaan (Tuur) waxa uu ahaa gudoomiyihii 5aad ee SNM, kaasoo ahaa hoggaamiyihii SNM isagoo muddo gaaban xilka Guddoomiyanimada SNM hayeyna suurtogaliyey in la burburiyo dawladdii kacaanka sheegan jirtay ee uu horboodayey askarigii Maxamed Siyaad Barre (Ahun). Qalinkii Cabdinajiib Baashe Maxamed oo Hargaysa ku suagn

MILICSIGA MAALMIHII CABDIRAXMAAN “TUUR”.. Waa Qalinkii Qoraaga weyn Muj.Boobe Yuusuf Ducaale oo Hargeysa ku sugan. - Qormaddii 3aad iyo 4aad. . Tuesday, November 18th, 2003

  1. Paquin, Jonathan (July 2010). ISBN 9780773591028 https://books.google.com/books?id=wWv4dHWjDpUC.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. www.alnef.org.za (PDF) http://www.alnef.org.za/conf/2010/presentantions/somalia.pdf. Soo qaatay 2019-09-12.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. https://web.archive.org/web/20180623061308/http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=157079. Waxaa laga kaydiyay the original 2018-06-23. Soo qaatay 2018-06-23.  Barameter aan la aqoon |url-status= ignored (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Somalilandsun.com. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 7 Bisha Labaad 2021.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Barameter aan la aqoon |url-status= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)