Waxa ka ogoow safarka barashada af Soomaaliga ee raggaan carbeed

ajaaniib

Xigashada Sawirka, SODMA

Soomaaliya oo ah dal ka soo kababaya ayaa ka mida dalalka haddana marti galiyey qaxooti badan oo dalalkoodu xilligan ay colaaddo ka taagan yihiin kuwaas oo naf biday inay magaalooyinka Soomaaliya ka helaan nolol dhaanta tii dalalkooda oo dagaalo ka soo cayriyeen kuwa kalana waxay u yimaadeeen si ay ugu shaqaystaan oo waa xirfadlayaal kala duwan.

Ajaaniibta ugu badan ee Soomaaliya u yimaada shaqooyin waa kuwo leh xirfadaha caafimaad, macallinimo iyo xirfado kale.

Dadkaas waxay la kulmaan caqabado ay ka mid yihiin Isfahan darro bulshada ay ku dhex nool yihiin maadaama aysan garanayn luuqada Soomaaliga.

Dadkaas waxaa ka mida Prof. Cabdiwahaab Dayib Bashiir oo ka soo jeeda dalka Sudaan kaas ah macalin wax ka dhiga Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho.

Isagoo la hadlay BBC-da Cabdiwahaab wuxuu sheegay inuu Soomaaliya u yimid si uu macallin uga noqda jaamacadaha dalka uuna isku dayeyo inuu si fiican u barto luuqada Soomaaliya.

Wuu ku hadli karaa luuqada Soomaaliga si kooban laakiin wuxuu BBC-da u sheegay in uu fahmayo hadalka dadka basle ay ku adag tahay jawaab celinta.

“Waxaa igu adag hadalka laakiin waan fahmaa laakiin insha alah tartiib tartiib waa sii wadayaa barashadayda luuqada Soomaaliga iyo is dhexgalka bulshada Soomaalida ah ee an la noolahay” ayuu isagoo jajabinaya Af-soomaliga yiri Prof Cabdiwahaab.

ajaaniib

Xigashada Sawirka, Machadka SODMA

Qoraalka sawirka, Prof Cabdiwahaab Dayib Bashiir oo danaynaya inuu barto luuqada Soomaaliga

Cabdiwahaab, wuxuu hadda ku nool yahay Soomaaliya hal sano iyo bar basle kuma cusba wuxuu BBC-da u sheegay inuu cilmi baaris u yimi Soomaaliya sanado hore.

Prof.Cabdiwahaab wuxuu sidoo kale barre sare ka ahaa jaamacada IUA ee dalka Sudan ka hor colaadda dalkaasi, haddana wuxuu jaamacada City ee Muqdisho ka dhigaa maamada cilmiga siyaasadda.

“Wax yar saaxiib barashada waa laba bil, wada sheekaysi waa caadi bajaajta hotelka iyo maqaaxiyaha waa caadi” ayuu BBC-da u sheegay Cabdixakiim oo ah arday Yemani ah oo wax ka barta jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin, waxaa ehelkiisu ku noolyihiin Yemen, wuxuu BBC-da u sheegay in sababta uu u yimi Soomaalia ay ahayd inuu wax ka barto iyo inuu ka shaqaysto.

Cabdulxakiim Jamaal Maanic, waxaa intii BBC-da la hadlayey ku badnaa erayadiisa..Haa saaxiib.. isagoo xusay inuu ku jiro barashada luuqada Soomaaliga.

Cabdiwahaab iyo Cabdixakiim labadu waxay dhawaan shahaado ka qaateen Machadka Sodma ee Muqdisho oo muddo saddex bilooda ay ka baranayeen luuqada Soomaaliga.

“Soomaaligaygu waa jajab sidaa Xamar Jajab” ayaa ka mid ahaa hadal uu xaflada ka yiri Cabdiwahaab Dayib oo ka soo jeeda dalka Sudan.

Yemeni

Xigashada Sawirka, Machadka SODMA

Qoraalka sawirka, Cabdulxakiim Jamaal Maanic, arday reer Yemen ah oo barashada afka Sooomaaliga ku jira

Maxamed Cismaan Ibraahim, waa macallinka muddo sadexd bilood ah u dhigayey luuqada Soomaaliga ajaaniibtan ku sugan Muqdisho.

Ardayda ugu baday ee dhiganyey ayuu sheegay inay ka soo jeedaan jaaliyadaha Sudan iyo Yemen ee ku sugan Muqdisho gaar kuwa ka shaqeeya dalka iyo kuwa jaamacadaha dhigta.

Maxamed Cismaan, wuxuu BBC-da u sheegay inay caqabadu ahaayeen “Runtii kala duwanaanshaha labada luuqadood ayaana sal u ahayd, maadaama dadkan aysan u dhalan luuqada ee ay inta badan ku hadlayaan luuqada Carabiga, markaa waxaa dhib ka imaanayaa xarfaha DH iyo G oo ay afkooda ku jiran ee ku jira afka-Soomaaliga ah ayaa ugu badnayd” ayuu yiri Macallin Maxamed.

Qaar ka mid ah ayuu sheegay inay si bowsi ah ku barteen luuqada laakiin si wanaagsan aanay u istimaali karin luuqada oo qaarkoodna ay muddo dheer joogeen dalka.

Wuxuu intaa ku daray in bilowgii ay labaataneeyo arday oo ajnabi ah ku bilaabeen balse duruufo jiray owgeed qaarkooda waqti u waayeen basle aakhirkii lix ruux ayaa dhammaystay muddo saddex bilood ah.

Maamulaha Machadka ay ajaaniibtan wax ka dhiganayeen Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan ayaa BBC-da u sheegay in u jeeda ugu weyn ay ahayd in dadkan loo sahlo sidii dadka ay ula qabsan lahaayeen.

“Waxaan is leeyahay in haddii Soomaalidu wadamo kale shalay tagi jireen oo luuqadahooda barnayaan in maanta luuqadooda la barto oo dad kale oo wadamo kale yimi ay bartaan waxaan dareemaynaa meesha dalkeenu marayo macno weyn ayey nooga dhigan tahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan baahiyo soo kordhaya oo ay qaban dadka ajaanibta ah ee ku sugan Muqdisho inay bartaan luuqada Soomaaliya.

Sida ay sheegtay haya’adda barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliya kumannaan qaxooti ajaabiin ah ayaa ku sugan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka kuwaas oo ka kala yimid dalalka Sudan, Syria iyo Yemen.