Nabadoonkii doonayey inuu damiyo colaad u dhaxaysa beelaha ee isagii lagu dilay

nabadoon

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Waxaa maanta deegaanka Bidhaan-dheere oo ah deegaan miyihi ah oo u dhaxeeya Gadoon iyo Dhuusamareeb ka dhacay shaqaaqo dad ay ku dhinteen oo u dhaxaysay beelo deegaanka wada deggan.

Isku dhaca dadka ku dhintay waxaa ka mida ahaa nabadoon ka mid ahaa waxgarad ku baxay sidii colaadda loo joojin lahaa.

Sida uu BBC-da u sheegay Taliyaha saldhiga booliska ee magaalada Dhuusamareeb, Nuur Cilmi Maxamed, isku dhaca ayaa ka bilwoday muran deegaamaysi ah oo dhexmaray dad wada deggan deegaankaasi kaas oo markii danbe isku beddeley dagaal dhexmaray maleeshiyo beeleedyo.

“ Waxay ka bilaabay jiingad iyo meelo la dhisayo, dhul deegaameedka weeye waxa markasta reer miyigu isku dilaan, meel jiinagad laga dhisayey ayaa laysku qabtay xabado laysku rid riday ka bacdina sii i xooggaystay ayaa isku beddeshay dagaal labo qabiil isku badeshay meesha ka dhacay” ayuu Taliye Nuur.

Wuxuu taliyuhu intaa ku daray in waxgarad ka soo kala jeeda kuwa dirirtu dhexmartay iyo taliska boolisku ay ku baxeen si colaadda loo joojiyo.

Galgaduud

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Nabadoonkii doonayey inuu damiy colaada ee isaga la dilay

Sida uu BBC-da u sheegay Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Nuur Cilmi Maxamed illaa hadda dadka ku dhintay dagaalka ayaa dhan afar ruux iyo lix dhaawaca.

Dadkaas dhintay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cabdiweli Daahir Tooxow oo ah nabadoon si weyn deegaanka looga yaqaano kana mid ahaa dhaqan iyo waxgarad kale oo ku baxay deegaanka Bidhaan-dheere oo dagaalku ka socday si loo kala dhexgalo maleeshiyaadka dirirayey.

“Nabadoonku dadkii xabadu markay meesha ka bilaatay kowdii aaday ayuu ahaa, annaguna meesha ugu daba tagtay markii noogu danbaysay nabadoonkii dadkii la kulmay noogu danbeyey ee warbixinada an kala qaadanay ayuu ku jiray , dirirstii an u dirnay niri qoaladii isaga an xijinaynay inuu naga xigsado an u dirnayna shilkaa ku dhacay oo xabadihii lay dhaafsanayey ayaa ku dhacay” ayuu BBC-da u sheegay Taliyaha booliska Dhuusamareeb.

Nabadoon Cabdiweli Daahir Tooxow, ayaa foolaaad u ahaa waxgaradka deegaanada ee mudda dheer waqti ku bixiyey

Waa kuma Nabadoon Cabdiweli Tooxow

nabadoonka

Xigashada Sawirka, NUUR

Nuur Daahir Tooxow oo ku caana Xiirane, waxay walaalo yihiin Nabadoob Cabdiweli Daahir, wuxuu sheegay in uu waqtigiisa inta ugu badan ku bixiyey sidii uu qayb uga ahaa nabad iyo sulux ummaddeed.

“Waxyaabaha nabadda uu ka soo hoyiyey lama soo koobi karo, wuxuu ka soo bilaabay Bosaaso ilaa Galkacyo isagoo suluxii wada ayuuna ku dhintay oo dadkii kala celiyana dadkuna khayr bay ku yaqaaneen” ayuu BBC-da u sheegay Xiirane.

Wuxuu intaa ku daray in nabadoon Cabdiweli Tooxow ay gugiisa iyo garaadkiisu ay kala waynaayeen sida uu door muhima ugu qaadanayey.

Nabadoon Xirsi Maxamuud Weheliye oo ka mida nabadoona deegaanka muddo ka badan 32 sano ay nabad ka wada shaqeeyeen Nabadoon Cabdiweli ayaa BBC-da u sheegay in nabad ka shaqaynayey kuna caan ahaan nin nabada ka shaqeeya.

“Dadka wuxuu ka mid yahay dadkii firfircoonaa ee nabada ka shaqeeya soddon iyo laba sano oo ay la shaqaynayey wuxuu ahaa nin nabadda ka shaqaeey, aad ayaa looga naxay geeridiisa ” ayuu yiri nabadoon Xirsi

Sida walaalkiisa Nuur u sheegay BBC-da marxuunka ayaa ku dhashay gobolada dhaxe ee Soomaaliya

Waa sidee hadda xaaladda deeganadii lagu diriray?

Xaallada deegaankii lagu diraray ayaa hadda deggan iyadoo aysan jirn maleeshiyaad is horfadhiya sida uu BBC-da u sheegay Taliye Nuur.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada ammaanka oo ka kooban boolis iyo nabad sugida ay ku sugan yihiin deegaanka dagaalku maanta ka dhaceen.

“Meeshii waa nabad wax culays ah kama jiraan, labadii qole ee markii horre qayla dhanata ku timi meelahoodii ayaa lagu celiyey, ciidamada ayaana gacanta ku haya ” ayuu yiri Nuur.

Gobolka Galgaduud waxaa muddooyinkii danbe ku soo noq noqonayey colaaddo u dhaxeeye maleeeshiyo beeleedyo kuwaas oo dad badani ku dhinteen sida ay sheegeen maamulka Galmudug