Qorshaha FIFA ee kordhinta dalalka ka qeybgalaya Koobka Adduunka oo la taageeray

Madaxwaynaha Fifa ayaa la yimid hindisaha kordhinta tirada dalalka ka qaybgala Koobka Kubadda Cagta Adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Fifa ayaa la yimid hindisaha kordhinta tirada dalalka ka qaybgala Koobka Kubadda Cagta Adduunka

Xiriirradda kubadda cagta ee dalalka Adduunka ayaa "si wayn u taageersan" qorshaha lagu kordhinayo tirada dalalka ka qaybgala Koobka Kubadda Cagta Adduunka oo la rabo in laga dhigo 48, sida uu sheegay madaxwaynaha Fifa.

Madaxwaynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa bishan horraanteedii iftiimiyay hindisihiisa lagu ballaarinayo kooxaha ka qayb gala koobka adduunka iyada oo lagu kordhin doono 16 kooxood.

Labada xul ee u dhibco bata koox kaste (group-kaste) ayaa u gudbi doona heerka kala baxa oo dalkii laga badiyaa uu tartanka ka harayo.

Arrintan waxaa go'aan laga gaari doonaa bisha koobaad ee foodda inagu soo haysa, laakiin lama filayo in isbadal lagu sameeyo 32 kooxood inta ka horaysa sanadka 2026-da.

Gollaha Fifa ayaa hindisahan kaga shiri doona kulan ay yeelan doonaan sagaalka bisha koobaad, laakiin ballaarinta 48 ah waxaa ol'olihiisii doorashada ku soo darsaday Infantino.

Markii u dambaysay ee tirada kooxaha isbadal lagu sameeyay waxay ahayd sandkii 1998 markaas oo laga dhigay 32 dal halkii ay ka ahaan jireen 24 dal.

Infantino ayaa sidoo kale "arrin wanaagsan" ku tilmaamay tijaabooyinka ku aadan in tiknoolajiyad muuqaal ah ay adeegsadaan garsooreyaashu, wuxuuna sheegay in uu rajaynayo in hannaankaas lagu adeegsado Koobka kubadda Cagta Adduunka ee Ruushka lagu qabanayo sanadka 2018-ka.