Garaadka macmalka (AI) oo ka badiyay ardayda sida caadiga u qora imtixaanada iyo curisyada

Garaadka macmalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Imtixaano jamacadeed oo laga qaaday arday aan jirin iyadoo la adeegsanayo garaadka macmalka ayaa la ogaaday in ay ka wanaagsanaadeen kuwa saxda u galay imtixaanka. Sidoo kale waxaa la ogaaday in aysan soo qaban aaladaha kale ee lagu hubiyo in mashiin uu qoray qoraalka sidaasina waxaa lagu ogaaday cilmi baaris kooban oo la sameeyay.

Cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadda Reading ee UK ayaa sameeyay 33 arday oo aan jirin, waxayna adeegsadeen garaadka macmalka ee ChatGPT, kaas oo ay ku sameeyeen jawaabaha su’aalaha imtixaanka arday jaamacadeed oo dhiganeysay psychology, ama cilmu nafsiga.

Waxay sheegeen in ardayda isticmaashay garaadka macmalka natiijadooda ay ka sarreeyeen celceliska kuwa sida saxda u galay imtixaanka. Sagaashan boqolkiiba qoraalada AI lagu sameeyay uma suuragalin in ay ogaadaan kuwa saxayay imtixaanka.

Garaadka macmalka

Xigashada Sawirka, Urbe university

Daraasad lagu dabaacay wargeyska Plos One ayaa lagu sheegay in lix boqolkiiba in la qabto ay tahay wax yar.

“Arintan waa mid welwel leh maadaama qoraalada garaadka macmalka lagu sameeyay ay helayaan darajooyin ka badan kuwa ardayda ay caadi u qoreen”.

Ardayda haddii ay isticmaalaan AI waxay heli karaan darajo ka sarreysa marka ay sida caadiga ah wax u qoraan.

Prof. Peter Scarfe iyo Prof Etienne Roesch oo daraasaddan horkacayay ayaa sheegay in waxa ay ogaadeen ay digniin u tahay aqoonyahanada adduunka oo dhan.

Dr Scarfe waxa uu sheegay in jaamacado badan ay ka guureen habkii caadiga ah ee imtixaanada loo gali jiray si qiimeynta u noqoto mid loo dhan yahay.

“Kuma noqoneyno imtixaanadii gacanta lagu qorayay balse adduunka waxa loo baahan yahay in ay la jaanqaadaan garaadka macmalka”.

Qiimeynta awoodaha garaadka iyo garashada

Cilmi baarista marka hore waxaa la sameeyay in itixmaanada iyo cursiyada beenta ah aan loo sheegin kuwa saxayay habka itixmaanka lagu soo sameeyay.

Ardayda gacan ku sameyska aheyd ee garaadka macmalka ayaa ka badiyay kuwa sida saxda ah u sameeyay imtixaanka iyo curisyada. Qoraallada waxay ahaayeen sanadaha hore ee jaamacadaha. Garaadka macamalka ah waxa ay awoodiisa yaraatay marka la gaaray sanadka saddexaad. Dadka caadiga ah ayaa taas ku fiicnaaday.

AI marka ay timaado garaadka iyo fakarka waa meelaha aysan ku wanaagsaneyn oo ay ku guuldareystay.

Aqoonyahannada waxay walaac ka muujiyeen saameynta ay AI ku leedahay waxbarashada. Horaantii sanadkan wargeyska The Guardian waxa uu sheegay in cilmi baaris lagu ogaaday in badi ardayda shahaadada koowaad jaamacadda ku jirta in ay isticmaaleen barnaamijiyada garaadka macmalka si ay kaalmo ugu helaan curisyada ay qorayaan. Shan boqolkiiba ayaa qirtay in ay isticmaaleen qoraalada AI lagu sameeyay oo aan waxba laga beddelin markii ay gudbinayeen qoraalkooda.

Taa ka sokow, garaadka macmalka wuxuu iminka shaqaalaha ka caawiyaa shaqooyinkooda, ayadoo meelaha qaar la bilaabay in AI uu maamule u noqdo shaqaale bani'aadmi ah.

Maamulaha AI wuxuu caawinayey shaqaalaha shirkadda Student marketing agency oo ah goob ay ka shaqeeyaan ardayda jaamacadaha si ay u siiyaan taageero suuqgeyn ganacsiyada yaryar, kuwaas oo saacado ladifan ka soo shaqeeya meelo fog fog, wuxuuna gacan ka siiyaa sida ay u dejisan lahaayeen jadwalkooda oo ay u qorsheyn lahaayeen culeyska shaqadooda goor hore.

Aaladdan waxay hubisaa ilaalinta wakhtiga, waxay u dirtaa xasuusinta kama dambays ah iyo fariimaha joogtada ah, waxayna diiwaangelisaa wakhtiga lagu qaatay macaamiil kala duwan, si tan dambe si sax ah loogu dallici karo qaansheegashada. AI waxa kale oo ay soo jeedinaysaa talooyinka lagu hagaajinayo ereyada qoraalka qoran, waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan su'aalaha la xiriira shaqada, waxayna aaladdan si toos ah u cusbooneysiisaa qof kasta horumarkiisa.