Qalabka garaadka macmalka ah adeegsada oo laga digay in dagaal loo adeegsado

Khuburadu waxay ka baqayaan in la jabsado oo ay maamulkooda gacanta u galaan dadkii lahaa kuwo aan ahayn

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Khuburadu waxay ka baqayaan in la jabsado oo ay maamulkooda gacanta u galaan dadkii lahaa kuwo aan ahayn

In kabadan 100 ruux oo ah khuburada kumbiyuutarrada garaadka macmalka ah leh ayaa Qarammada Midoobay ugu baaqay in ay tallaabo qaado si ay u hor istaagto in dagaal loo adeegsado "kombiyuutarrada wax dila" ama waxa loo yaqaanno robot-yada.

Waraaq ay Qarammada Midoobay u direen hogaamiyeyaasha qalabka adeegsada garaadka macmalka ah oo uu ka mid yahay Elon Musk oo ah bilyanneer ayaa arrintan ka digay.

Khuburadan oo 116 ruux ka kooban ayaa ku baaqay in la mamnuuco in garaad macmal ah loo adeegsado in uu hub maamulo.

"Mar haddii la fasaxo, waxay suurtagalin doontaa in dagaalku uu u dhici doono si kadarran midka hadda, uuna u qabsoomi doono si ka xawli badan sida ay hadda banii'aadamku u dagaalamaan".

"Waxay noqon karaan hub argagixiso, hubkaas oo isagu awooda iska leh, argagixisaduna u adeegsadaan in ay ku laayaan dad aan waxba galab sannin. Hubkaasna la jabsan karo oo ay u dhaqmi karaan sidii la rabay si ka baxsan.

Madaxda tiknoolajiyaddu waxay wadaan qaylo dhaan degdeg ah, waxayna ka digayaan "in aan lahaysanin wakhti badan".

Waxayna lee yihiin mar haddii jidkaas la isku furo way adkaan doontaa in la iska awdo.